6/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2024
Puntland oo xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday rag loo haysto inay katirsan yihiin Alshabaab

Talaado, May, 21, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday afar eedaysane oo lagu helay inay xiriir laleeyihiin kooxda Alshabaab.

Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Axmed (Qeyliye) ayaa lagu helay inuu heshiis kula jiray horjoogaha kooxda Alshabaab ee Puntland.

Maxkamaddu waxay sheegtay eedeysanahan inuu Shabaab u qaabilsanaa inuu u kaxeeyo gaadiidka lagu soo qaado dableyda kooxda Shabaab u qaabilsan dilalka qorshaysan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in lagu helay kiiskii ugu dambeeyay ee labo qof oo lagu dilay magaalada Boosaaso, kuwaas oo dadkii geystay oo uu isagu ku fakiyay gaarigiisa.

Maxamaddu waxay ku ridday xukun dil ah.

Cabdikhadar Maxamed Shire oo isna lagu eedeeyay inuu Shabaab u qaanilsanaa kaxaynta gaadiidka ayaa lagu xukumay 15 sano xabsi ah.

Ibraahim Cabdi Ciise (Qaloocow) oo lagu eedeeyay inuu Shabaab u qaabilsanaa cillad bixinta gaadiidka uga shaqeeya magaalada Boosaso, ayay maxkamadda ku xukuntay 10 sano oo xabsi ah, halka Maxamuud Cabdirisaaq Gurraase oo isna lagu eedeeyay inuu caawin jiray Cabdikhadar Maxamed Shire, ay maxkamadda ku xukuntay 3 sano oo xabsi ah.