6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2024
Xaafado horleh oo looga barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle ee dhexmara Baledweyne
 

Talaado, May, 21, 2024 (HOL) - Waxaa sii kordhaya qoysaska ka barakacaya fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameynayo xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qeybo ka mid ah xaafadaha Buundaweyne iyo Howlwadaag ayaa Xalay iyo saakay waxaa ka socda barakac xoogan, kadib markii uu wabiga ku jabsaday laamaha Doonsubagle iyo Faarax geedi ee xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag.

Labadaan xaafadood ee Xalay iyo saakay qeybo ka mid ah looga barakacayo fatahaada ayaa ahaa maalmahii lasoo dhaafay kuwa rajadooda aad u wanaagsaneyd waxaana xusid mudan in wali la dagan yahay inta badan labadaas xaafadood.

Magaalada Baledweyne wali waxaa ka taagan cabsida biyaha wabiga Shabeelle oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysan haya, islamarkaana looga sii barakaci haayo xaafado hor leh, waxaana suurtagal ah hadii biyuhu sidaan kusii socdaan in guud ahaan xaafadaha Baledweyne laga barakici doono.

Lix bilood ayaa laga jooga markii fatahaadii abid ugu xoogeneyd ay ku dhufatay magaalada Baledweyne dhamaadkii sanadkii tagay ee 2023, waxaana xusid mudan in fatahaadan ay markale imaatay, iyadoo wali aysan kasoo kabsan dadka reer Baledweyne dhibaatadii kasoo gaartay fatahaadii hore.