6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2024
Kenya oo xabsi 12 sano ah ku xukuntay nin katirsanaa kooxda Daacish

Talaado, May, 21, 2024 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa xabsi 12 sano ah ku ridday Mohamed Abdi Ali oo loo yaqaan Abu Fidaa, Abu Shuhadaa, kaasoo ay sheegtay inuu katirsanaa kooxda argigixisada ah ee Daacish.

Maxkamadaynta iyo xukunka lagu ridday ninkaan ayay dowladda Kenya sheegtay, inuu  ka hortagay weeraro argagixisanimo oo uu qorsheynayay in uu ka fuliyo Kenya isaga iyo dadkii la socday.

Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in eedeysanaha lagu helay dembi ah inuu xubno u qorayay Ururka Daacish.

Xeer ilaalinta Kenya ayaa horey u codsatay in ninkan lagu xukumo xabsi dhan ilaa 90 sano ah, sababo la xiriira culayska dambiyada lagu eedeeyay iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay tahay awoodda sare ee gobolka si ay uga hortagto argagaxisada iyadoo sheegtay inay taageero siiso waddamada sida Somalia si ay ula dagaalamaan kooxaha argagixisada sida Alshabaab.