7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2024
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howgalo ka dhacay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe
 

Arbaco, May, 15, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay khasaaraha ka dhashay howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Cali Heelle iyo Baraag Sheekh Caamir , waxaana deegaanka Cali Heelle lagu dilay afar xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab, halka deegaanka Baraag Sheekh Caamir lagu dilay 5 xubnood oo kale.

"Hawlgalka koowaad oo lagu dilay ilaa iyo afar maleeshiyaad ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ah oo maleeshiyaadka Khawaarijta ay wateen. Hawlgalka labaad ayaa lagu khaarajiyay shan ka tirsan Khawaarijta oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen cadowga ku lahayeen deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in howlgalada ay ahayeen kuwa si weyn loo qorsheeyay, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanado ciidan oo ay lahaayeen kooxdu.

Ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa inta badan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliya deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka.