7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2024
Duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe
 

Arbaco, May, 15, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada Caalamka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Howlgalka kowaad ayaa ka dhacay deegaanka Cali Hayle oo ka tirsan Shabeellaha dhexe, halka howlgalka labaadna uu ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalada ka dhacay deegaanka Cali hayle iyo Baraag Sheekh Caamir oo ahaa duqeymo ayaa la tilmaamay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu gubay gaadiid ay wateen kooxda oo ahaa noocyadooda Cabdi bile iyo Booyad.

"Taliska Ciidanka XDS waxuu xaqiijiyay in duqeyntii Cali hayle lagu gubay gaari booyad ah waxaana lagu dilay maleeshiyaad ilaala ah u ahaa gaariga, duqeynta labaad ee ka dhacday caawa deegaanka Baraag sheikh Caamir waxaa sidoo kale lala beegsaday gaari Cabdi bila ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano agagaarka Hareeriga jimcaale Maxamuud Daa'uud" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali deegaanadaas ay ka socdaan howlgalo ciidamada is kaashanaya ay ku baadi gobayaan haraadiga kooxda Al-shabaab ee ku sugan goobaha ciidamadu duqeeyeen saacadahii lasoo dhaafay ee ka tirsan Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.