7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2024
Wasiir Juxa: Soomaaliya, maanta ayay kasii kala qeybsanaan badan yahay labo sano ka hor
 

Arbaco, May, 15, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayay maanta u buuxsantay muddo labo sano ah oo uu dalka hoggaaminayo, lagasoo bilaabo markii xilkaan loo doortay 15-kii bishii May ee sanadkii 2022.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa isagoo taas ka falceilnaya wuxuu boggiisa Twitterka kusoo qoray, in labada sano ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu dalka hoggaamiyo uu dalku galay kala qaybsanaan weyn.

"Marka loo eego labada sano ee madaxweyne Xasan Sheikh, Soomaaliya, waa kasii kala qeyb sanaa badan tahay labo sano kahor maanta," ayuu yiri Juxa.

Wasiir Juxa waxa uu sheegay midnimada Soomaaliya in lagu badbaadin karo oo lagu cayimin karo, nidaamka isku haynta dalka ee federalism-ka ama waxa loo yaqaano Confederal oo ah dalku inuu noqdo dawlado madax-banaan oo ku midooba hal dowlad.

Juxa waxa uu aaminsan yahay, in madaxweyne Xasan Sheikh uu ka shaqeynayo inuu dalka ka hirgaliyo dowlad dhexe oo ku jirta gacan qura.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo ku dhow labo sano khilaafkoodu taagan yahay, welina laguma guulaysan in xal laga gaaro. Puntland waxay dhawaan sheegtay in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo ay aqoonsan tahay.