7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2024
Meydka nin horey u ahaan jiray Ciidanka Liyuu Boolis oo laga helay magaalada Jigjiga

Arbaco, May, 15, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in magaalada laga helay meydka nin lagu magacaabo Cumar Xuseen Xaashi kaas oo galinkii hore ee maanta isagoo gawracan laga helay xaafadda 16aad ee magaalada Jigjiga.

Lama ogaan wali cidda sida arxan darrada ah u dishay ninkan, balse Ciidanka Booliska magaalada Jigjiga oo soo gaaray goobta lagu arkay meydka marxuumkan ayaa sheegay in baadhis lagu samayn doono meydka, isla markaana natiijada baadhistaas iyo cidda dilka gaysatay dib laga soo sheegi doono.

Ninka meydkiisa laga helay magaalada Jigjiga oo lagu magacaabo Cumar Xuseen Xaashi ayaa horey waxa uu uga mid ahaa Ciidanka Liyuu Booliska, isagoo muddooyinkii u dambeeyay ahaa qof shacab ah, degaan ahaan waxa uu kasoo jeedaa degmada Araarso ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Magaalada Jigjiga ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilal kala duwan oo loo gaysanayo dad shacab ah, kuwaas oo badanaa lagaysto ama la fuliyo xilliyada habeenkii walina aan la ogaan cidda rasmiga ah ee dilalkaas gaysta, inkastoo magaalada xaafadaha qaar ay si xowli ah uga jiraan waxa loo yaqaano Jaynaa guruub ama Ciyaal weero.

Shacabka magaalada Jigjiga ayaa falalkan argagaxa leh ee kusoo laalaabtay magaalada Jigjiga ku tilmaamay kuwo aad looga naxo, waxayna Xukuumadda ka codsadeen in arrimahan ay aad ugu soo jeedsato baadhisna ku samayso waxa dilalka gaysanaya, isla markaana xukuumaddu ay xoogga saarto sugidda amniga Shacabka.