7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2024
Maxkamadda Racfaanka oo soo gabagabeysay dhegaysiga dacwadda Sayid Cali Macallin Daa'uud
 

Axad, May, 12, 2024 (HOL) - Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir, ayaa maanta soo gabagabaysay dhegaysigii labaad ee dacwadda iyo difaaca xukumane Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Maxkamadda ayaa sheegtay in laga sugayo go’aanka ugu dambeeya ee xukunka eedaysanaha, ka dib markii ay dhegaysatay dacwadda xeer ilaaliyaha iyo difaaca qareenada u doodaya eedeysanaha.

Abuukate Cali Xalane oo ah qareenka u doodaya Sayid Cali Macallin Daa’uud, ayaa sheegay inuu rajeynayo in maxkmadda racfaanku soo saarto go’aan ka duwan midkii ay soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xalane wuxuu sheegay haddii ay ku qanci waayaan xukunka maxkamadda racfaanka in ay isla aadi doonaan maxkamadda sare ee dalka.  Wuxuuna aaminsan yahay in eedeysanaha uusan xaaskiisa gubin.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha, Yaxye Maxamuud Saciid ayaa isna dhankiisa sheegay in Sayid Cali uu yahay dambiilaha xaaskiisa gubay. isagoo sheegay in loo baahan yahay in maxkamaddu ku dhawaaqdo xukunka qisaasta ah.

Wuxuu sheegay xogta laga helay dhaqaatiirta, warbixinta marqaatiyayaasha iyo gubniinka ka muuqda jirka eedeysanaha inay caddaynayaan dambiga Sayid Cali.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka maxkamadda racfaanka oo ah mid aad loo wada sugayo ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo todobaadkan gudihiisa.