7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2024
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo si adag uga hadlay khilaafka iyo tabashada reer Hiiraan
 

Axad, May, 12, 2024 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Shalay gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin khilaafka mudada dheer u dhaxeeya reer Hiiraan iyo maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in khilaafka reer Hiiraan ay ka qabaan jiritaanka maamulka Hirshabeelle inuu saameyn balaaran ku yeeshay horumarka Hirshabeelle, isagoona xusay in haatan loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafka.

“Waxaan idiin sheegayana wax hadii ay halaabaan waa naga wada dhexeeyaan, haddii ay hagaagaana waa naga dhexeeyaan waxaan laga tashan waa halaabaayaan in lays khilaafo iyo khilaaf micnihiisana wuxuu yahay waan aragnay, umaleyn maayo inuu wax kale noo djiman yihiin, ee walalayaloow wax aan dhameyno khilaafka la haray Hirshabeelle” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in wax walba oo horay u soo qaldamay dib loo sixi karo, wuxuuna ka dalbaday dadka reer Hiiraan iney ka cafiyaan wax walba ay ka tabanayaan shaqsi ahaantiisa.

“Muslim waa khaldamaa ee waxaa haboon inaan wax saxno oo ka wada tashano oo wanaagii aan ka wada shaqeyno. Dadka Soomaaliyeed oo walaalahey ah oo Beledweyne jooga waxaan ka codsanayaa inaan tashano oo waxa naga dhexeeya aan ka tashano” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay khilaaf ka taagan goobta lagu duubayo Ugaaska Beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo markii hore loo asteeyay in Baledweyne lagu duubo, hayeeshe haatan la sheegayo in lagu duubayo deegaanka Ceeldheer oo hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

"Walaalayoow Ceeldheer hada aan idinla hadlayo waxa ku sugan afartiisa jiho shabaab anaga iyo shabaabna waxa naga dhaxeyo waad ogtihiin waqtina uma hayno an amnigeda ku xaqiijino, Baledweyne ayaa juhdi la galiyay in lagu duubo oo laba bilood lagu howlana diyaarinteeda, marka duubka Ugaaska yaan la siyaasadeyn aniga iyo madax kaleba waxaan u nimid baledweyne duubka Ugaaska kuwa kalana way so socdaan ee Xawaadlow khilaafka halaga daayo Duubka Ugaaska oo Somalida u taqaano Ugaaska Xawaadle inuu yahay Ugaaska Soomaaliyeed" ayuu yiri madaxweyne Yuusuf Dabageed.

Ugu dambeyntii berito oo Isniin ah ayaa ah waqtigii loo qabtay in ay qabsoonto xaflada Caano shubka Ugaaska Beelaha Xawaadle, waxaana loo badinaya in xafladaasi ay ka dhico doonto deegaanka Ceeldheer, waxaana xusid midan in Baledweyne ay haata ku sugan yihiin masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf kale oo u tagtay ka qeybgalka duubka caleema saarka Ugaaska Beelaha Xawaadle.