7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2024
Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigtay shidaal iyo budada qarayxada laga sameeyo oo u rarnayd Alshabaab
 

Axad, May, 12, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Gor-gor oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay 150 Jirgaan oo ay ku jireen Shidaal iyo budada laga sameeyo qaraxyada.

Howlgalka lagu qabtay agabkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ciidamada dowladda ay heleen macluumaad ku saabsan arrintan.

Saraakiil katirsan ciidanka ayaa sheegay in shixnadkaasi ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab, ayna ku wajahnayd deegaannada ay kooxdaasi ka taliso, waxaana ay intaa ku dareen in ay qabteen labo eedaysane oo uu haatan baaritaan ku socdo.

Ciidamada dowladda ayaa horey u fashiliyay qaraxyo baabuur ah oo ay Alshabaab doonayeen inay ku weeraraan degaano katirsan Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab ayaa dhowr bilood ka hor dib u qabsaday qaar kamid ah degaanada dhaca Koonfurta Mudug, ka dib markii ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ka baxeen halkaas.