7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2024
Agaasimaha Hay'adda NISA oo Baledweyn ka bilaabay kulamo ka dhan ah kooxda Al-shabaab

Axad, May, 12, 2024 (HOL) - Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Taliyaha ayaa gudaha magaalada Baledweyne kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxgaradka gobolkaas iyo qeybaha kala duwan ee dadka reer Baledweyne.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlay xaalada guud ee amniga gobolka Hiiraan iyo waliba sidii dib loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab, waxaana taliyaha uu adkeeyay muhiimada ay dowladda Fedaraalka u leedahay in dalka oo dhan laga ciribtiro Ururka Al-Shabaab.

Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada oo dhankooda ka hadlay kulanka ayaa Taliye Sanbaloolshe uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga iyo garab istaaga dadka reer Hiiraan ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Kulankaaan Baledweyne ku dhexmaray Taliyaha NISA, Xildhibaanada ka tirsan Baaralamaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee reer Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo taliyaha, Xildhibaanada iyo masuuliyiin kale ay Baledweyne u yimaadeen ka qeybgalka xaflada Caleema saarka Ugaaska guud ee Beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, taasoo dhaci doonta maalinta berito ah.