7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2024
Booliiska Soomaaliya oo garoonka Aadan Cadde ku soo bandhigay gacan ku dhiigle baxsad ahaa
 

Talaado, Juun, 25, 2024 (HOL) - Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay nin la sheegay inuu yahay gacan ku dhiigle baxsad ahaa, kaasoo si dhuumaleysi ah dalka uga baxsaday.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan in gobolka Nugaal uu horay ugu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2023 sanadkii lasoo dhaafay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ninkaan oo dilka markuu geystay u baxsaday dalka Kenya, xogtiisa la wadaageen Booliiska caalamiga ah ee Interpol, waxaana ninkaan la sheegay inuu ku joogay dalka Kenya isticmaalka magac been abuur ah oo ah Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan.

”Hoggaanka xiriirka dibada ee booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada kala duwan ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku nool yahay Kenya uu isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan, 21-06-2024 wuxuu tagay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukumintiga u Safar dalkaaga (Go Home ), Wuxuuna ku jartey magac been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee ninkaan baxsadka ahaa ee Booliiska Somaaliya gacanta ku dhigeen, ayaa la filayaa in Booliiska Soomaaliya kusii wareejiyo Maxkamadda gobolka Nugaal ee maamulka Puntland oo horey u codsatay in ninkaan loo soo gacan galiyo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo wadashaqeyn noocaan oo kale ah ay dhexmarto Booliiska Caalamiga ee Interpol iyo Booliiska Soomaaliya.