7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2024
Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan dilka Hooyadiis iyo Abtigiis
 

Talaado, Juun, 25, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen nin ku eedeysan inuu ku dilay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho Hooyadii isaga dhashay iyo Abtigiis.

Ninkaan ku eedeysan dilka Hooyada dhashay iyo Abtiga la dhashay hooyadiis ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe oo ah nin dhalinyaro ah, islamarkaana aanan la ogeyn ilaa hada sababta uu u dilay Hooyadiis iyo Abtigiis.

Alle ha u naxariistee Marxuuminta geeriyootay ayaa lagu kala magacabi jiray Muraayo Muxumud Siyaad oo aheyd 55 sano jir iyo Yuusuf Muxumud Siyaad oo ahaa 85 sano jir, waxaana eedeysanaha uu dilkaan u adeegsaday Tooreey.

"Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Baanadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Deyniile ayaa taariikhda markay aheyd 24.06.2024 Abaaro. 6:40pm fiidnimo waxay gacanka ku soo dhgeen eedeysane ku eedaysan gacan ku dhiiglanimo. Waxaa la baarayaa xaaladiisa caafimaad ee dhimirka si looga sal gaaro sababta ku kaliftay in uu waalidkiis dilo" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Dhacdadaan aragagaxa badan ayaa Xalay ilaa saakay si weyn looga hadal haya magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka, waxaana dhacdadaan ay qeyb ka noqoneysa dhacdooyin naxdin badan oo tan iyo bilowgii sanadkaan ka dhex dhacayay dadka isku qoyska ah oo kusoo badaneysay gudaha dalka.