Talaado, Juun, 25, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in barqanimadii maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Ufuroow ee gobolkaas.
newsinsideDagaalka maanta dhexmaray xubnaha ka wada tirsan Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay iney ku dhinteen laba xubnood, islamarkaana uu ku dhaawacmay mid kale, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda fedaraalka.
Warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in isku dhaca xubnaha Al-shabaab uu yimid kadib markii ay isku qabsadeen lacago ay kasoo aruuriyeen dadka shacabka ah oo kooxdu ugu yeerto Sakawaad.
Ugu dambeyntii majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka la sheegay inuu maanta ku dhexmaray deegaanka Ufurow ee gobolkaasi Baay.