7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2024
Ciidamada ATMIS oo wareejiyay saldhiggii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeeladda Dhexe.
 

Talaado, Juun, 25, 2024 (HOL) - Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in saldhiga Ceel Ceeglow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu sare u qaadayo ka bixitaanka ciidamadooda ee gudaha Soomaaliya.

Waa saldhiggii ugu dambeeyay ee militari ee ATMIS ay ku wareejiyaan ciidamada dowladda, waana saldhiggii saddexaad ee la wareejiyay inta lagu guda jiro wajiga Saddexaad ee dhimista ciidamada Atmis.

Saldhigga Ceel-Ceeglow, oo ay horay u joogeen ciidamada Atmis Burundi tan iyo 2019, ayaa laga sugaa ammaanka waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho iyo Jowhar iyo deegaannada ku xeeran, iyo waddooyinka loo qoondeeyay howlgallada oo inta badan ay maraan gaadiidka lagu taageerayo howlgallada militari iyo howlaha bini’aadantinimo. .

Bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa weli sii socota iyadoo Golaha Nabadda Amniga iyo ee Midowga Afrika (AUPSC) ay ku baaqeen in la wajaho qaabkii loo wajihi lahaa ilaalinta amniga Soomaaliya si looga fogaado in ay dhacdo firaaq amni.

Guddiga Nabadda Midowga Afrika ayaa si weyn u taageeray codsiga Soomaaliya ay bishii May ee ahayd in hoos loo dhigo tirada ciidamada ATMIS ee la filayo in ay ka baxaan dalka bisha June.