9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2024
Madaxda dowladda Fedaraalka iyo masuuliyiin kale oo caan ah oo ka tacsiyeeyay geerida Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure
 

Isniin, Luulyo, 29, 2024 (HOL) - Waxaa si aad ah isku soo taraya masuuliinta ka tacsiyadeyneysa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Somali Airlines, islamarkaana ahaa Milkiilaha Shakabadan faca weyn ee Hiiraan Online, kaaso xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure oo uu sheegay inuu door weyn kasoo qaatay marxuumka horumarinta Afka Soomaaliga iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen warar ku saleysan xaqiiqda, isagoona xusay inuu ahaa shaqsi howlkar ah, dhex dhexaad ahaa una taagnaa horumarka dalkiisa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Duuliye Axmad Xaaji Cilmi Guure waxa uu ahaa baylood, saxafi iyo samafale ka shaqeeya waxtarka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, waxaana murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxay Marxuumka" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse

Xamse Cabdi Barre ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, islamarkaana samir iyo iimaann uu ka siiyo qoyska, qaraabada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Waxaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geeridiisa Masuuliyiin iyo siyaasiyiin kale oo caan ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Godah Barre, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jabril Ibrahim Cabdulle, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee bulshada.

Tacsida loo dirayo Allah u naxariistee Milkiilahii Hiiraan Online ayaa si weyn looga dhex dareemaya saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada oo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay ugu tacsiyadeynayaan geeridii ku timid Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Somali Airlines.