9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay madaxa Maaliyadda Shabaab ee gobolka Mudug

Isniin, Luulyo, 29, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Degmada Hobyo ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen horjoogihii  maaliyadda gobolka Mudug ee kooxda Alshabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabaas Sheikhdoon ayaa la sheegay inuu ku sugnaa deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, ka hor inta uusan hay'adaha amniga iskusoo dhiibin.

Taliye ku xigeenka Booliska Hobyo Nuuriye Ciise Xuseen ayaa sheegay, isisoo dhiibista horjoogahan inay sahashay dadaal ay sameeyeen dadka deegaanka Ceelhuur oo uu xiriir lasoo sameeyay horjoogaha kadibna Booliska Hobyo ayay ku war galiyeen xogtiisa isisoo dhiibidda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si teel teel ah isku soo dhiibayay xubnaha kooxda Alshabaab. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay cunaqabatayn kusoo rogtay Shabaabka ku sugan Bariga iyo Koonfurta Mudug, taasoo sheegtay Shabaaabku markii ay  u adkaysan waayeen nolasha adag ee ay wajaheen ay ku qasbanaadeen inay isisoo dhiibaan.

Horey, Horjoogayaal waawayn oo Shabaab katirsan ayaa iskasoo dhiibtay gobolka Mudug, waxaana kamid ah Nuur Maxamed Abdullaahi Maalin Guur, kaasoo ahaa horjoogihii ugu sarreeyay Shabaabka gobolka Mudug.