9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2024
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dhul howd ah oo ku yaala gobolka Jubbada Hoose
 

Isniin, Luulyo, 29, 2024 (HOL) - Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland guutada Birjeex ayaa howlgal ay ka sameeyeen dhulka howdka ah ee ku yaala duuleedka deegaanka Buula Xaaji ku dilay kuna dhaacaway xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa lasoo wariyay in ciidanka ay ku dileen 2 xubnood oo ka mid ahaa xubnahii Al-shabaab ee dhawaan weeraray deegaanka Buula Xaaji, kuwaas oo la sheegay in maalmahi lasoo dhaafay ay ku dhuumaaleysanayeen dhulkaasi howdka ah.

Ciidamada Birjeex ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay isagoo dhaawac ah xubin sadaxaad oo ka mid ahaa xubnaha ku dhumaaleysanayay howdka ee howlgalka lagu dilay.

"Geesiyaasha Guutada Bir-jeex ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland goor dhow waxa ay meel howd ah oo dhinaca galbeed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ka heleen sadex dhagar qabe oo hubaysan oo qeyb ka ahaa weerarkii ay ku jabeen kuwaas oo waayahaanba ku dhuumanayay howdka. Waxaa usuura gashay in labana ay khaarijiyaan midna ay dhaawac ku qabteen kaas oo hadda lagu hayo goob caafimaad oo ciidamada gaar u ah, sidoo kale hubkii ay wateena waa laga furtay" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanka Buulo Xaaji looga dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsana Al-shabaabkii weeraray deegaankaas.