9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2024
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay in nolol wanaagsan ka jirto deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab
 

Isniin, Luulyo, 29, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Yuusuf Xoosh ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dadaalada xasilinta ee ka socda deegaanadii laga xureeyay kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Wasiirka in howlgalada ciidanka xooga dalka ka wadaan gudaha dalka ay sii balaaranayaan, islamarkaana dowladda ay horumaro la taaban karo ka sameeyay deegaanadii laga xureeyay kooxda oo ay ka jirto haatan nolol wanaagsan.

“Waxaan ku faraxsanahay in deegaanadii dowladdu dib ula wareegtay ay wejigeedii iyo muuqaalkoodiba ka duwan yihiin sidii hore, taasoo sababtay in arday badan ayaa fursad u helay inay maanta iskuulo aadaan Xarardheere iyo Aadan Yabaal, sidoo kalana helay adeegyo caafimaad, amni, biyo iwm” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Xoosh ayaa uga mahadcaliya saaxibada Caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha Xasilinta deegaanadii laga xureeyay ururka Al-shabaab.

"Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan Saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera Barnaamijka Xasilinta dalka, si gaar ah waxaan rabaa inaan ugu mahad celiyo US Aid oo kaalin weyn ka ah hawshaan iyo hirgilinteeda” ayuu yiri Wasiir Cali Yuusuf Xoosh.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka laga xureeyay kooxda Al-shabaab ay haatan heleen qaar ka mid ah adeegyada aas aasiga ah.