7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh “Qof Shabaab ah kuma soo wici karo, mana wici kartid ogow waa dambi taas"
 

Jimco, Luulyo, 12, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ciqaab adag uu la kulmi doono qof walba oo xiriir wicitaan ah la sameeyo qof shabaab ah, xata hadii ay ehel ama qaraabo yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay iney dambi tahay la macaamilka dadka ku jira kooxda Al-shabaab, islamarkaana looga digayo dadka Soomaaliyeed iney la tacaamulaan Al-shabaab.

“Kuma soo wici karo qof Shabaab ah, mana wici kartid waa dambi ogow taas, Qofka hadii la ogaado inuu wacay qof Shabaab ku jira ama isaga uu la soo sameeyay xiriirka maxkamad ayaa la horgeynayaa, wax si hoose loo leeyahay mahan qof walboow ogoow“ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Talaabadaan ayuu Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay iney tahay mid lagu adkeynayo sharciga la dagaalanka Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhamaan deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab iney wali ku jiraan gacanta dowladda oo aysan jirin hal deegaan oo ay dib ugu soo laabatay kooxda.

“Hal degmo oo laga xoreeyey Argagaxisada oo dib ay u qabsadeen majirto dadka Soomaaliyeed yaana been loo sheegin, Khawaariijtu tabar mahayaan, meelahii laga xureeyay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku haya” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Go'aankaan cusub ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo horey dowladda u mamnuucday in lala macaamilo kooxda Al-shabaab, waxaana tallaabadan ay noqoneyso mid lagu sii xoojinayo amarka in aan wax macaamil ah lala sameyn karin kooxda Al-shabaab.