7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Jimco,  Luulyo, 12, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ku dhexmaray deegaanka Qaamqaam oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen Saldhiga deegaanka Qaamqaam, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal qaatay mudo ku dhaw hal saac.

Ilo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa dhankooda sheegay iney ka hortageen oo ay iska difaaceen weerarka kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanka Qaamqaam, islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen xubnahii soo weeraray.

Dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada maamulkaas, waxaana xusid mudan in ciidamada iskaashanaya iney howlgaladaas kula wareegeen deegaano badan oo u dhaxeeya magaaloyinka Kismaayo iyo Afmadoow.