7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2024
Maraykanka oo sheegay in uu Somaliland kala hadlay xalinta khilaafaadka gobolka
 

Jimco,  Luulyo, 12, 2024 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay Somaliland kala hadashay in wixii khilaaf gobolka ka taagan lagu dhameeyo wadahadal, iyo in doorashada wakhtigeeda lagu qabto.

Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, oo kulan Khamiistii la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii khilaafaadka gobolka wadahadal loogu dhamayn lahaa.

"Safiirku waxa uu ku booriyay in laga shaqeeyo iskaashiga gobolka, iyo in wadahadal iyo dariiq dibulumaasi ah lagu xaliyo khilaafaadka gobolka iyo caqabadaha amaan, waxa uuna saraakiisha dowlada kala hadlay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho.

Safiirku waxa uu sheegay in ay dowladiisa ka go'antahay taageerida dimuquraadiyada gobolka, sidookale waxa uu kulan la qaatay hay'addaha aan dowlaga ahayn, oo uu kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xadhiidhka Maraykanka.

Socdaalka Danjire Riley ayaa kusoo beegmaya xili ay xiisad ku salaysan dano dhaqaale iyo istiraatejiyadeed oo ka dhalatay isfahanka Somaliland iyo Itoobiya ay  ka dhextaagantahay Jabuuti iyo Somaliland.