7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2024
Dagaal beeleedkii degmada Luuq oo laga soo saaray qodobo muhiim ah
 

Jimco, Luulyo, 12, 2024 (HOL) - Guddiga xal u helista dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa soo saaray qodobo la xariira xal u helista dagaaladii dhiiga badan uu ku daatay ee degmada Luuq ku dhexmaray todobaadkii lasoo dhaafay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega.

Xubnaha Guggiga oo ay horkacayaan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed iyo waxgarad kale oo maalmahaan ku sugnaa degmada ayaa soo saaray ga'aano ku saabsan xal u helida colaadihii sokeeye ee dhexmaray beelo wada dega degmadaasi.

Qodobada Guddiga ayaa waxaa ka mid ah in dhinacyadii ku dagaalamay degmada Luuq ay qaataan xabad joojin shuruud la’aan ah iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii ka barakacay xaafadaha degmadaas.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed ayaa warbaahinta u faahfaahiyay shan qodob oo guddigaan ka soo saareen colaadii dhacday kuwaas oo kala ah.

1: Xabad joojin aan wax shuruud ah ku xirneyn oo labada dhinac ay dhaqan geliyaan.

2: In nabadda Guud ee degaanka la qaato qofkii wax geystana ay isaga u gaar tahay tallaabo wadajir ahna laga qaado.

3: In dhinacyada dirirtu dhex-martay ay u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday.

4: In laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta Bulshada.

5: In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan Hantida Dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa.

Gabagabadii Guddiga ayaa ugu baaqay in guud ahaan Shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan ka shaqeynta nabadda, iyagoona sidoo kale ugu baaqay shacabkii barakacay guryahooda iney dib ugu soo laabtaan.