Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si kulul u cambaareeyay faragelin sharci darro ah oo ay sheegeen inay Puntland ku hayso maamulkooda.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay, in tallaabooyinka Puntland ay u muuqdaan kuwo lagu carqaladeynayo horumarka laga gaaray dhismaha maamulkooda.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay Puntland inay ku dhaqaaqday talaabooyin wax u dhimaya wada shaqaynta, deris wanaaga iyo is ixtiraamka labada maamul.
Arrimaha ay ku eedeeyeen Puntland waxaa kamid ah, faragelinta qorshayaasha caafimaadka ee lagu beegsanayo gobollada SSC-Khaatumo, siyaasadeynta iyo Joojinta Gargaarka, iyo beegsiga ururada Horumarinta sida ururka Alight oo laga hor istaagay mashaariic horumarineed uu ka fulin lahaa SSC.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ugu baaqay Puntland in ay ixtiraamto madax-banaanida iyo wadajirka SSC-Khaatumo kana fogaato falalka wax u dhimaya maamulkooda iyo daryeelka shacabkooda.