Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Waxa Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Buugga "Macallinkeen Allow Kaal" oo uu qoray Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, waxaana goob joog ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Mas'uuliyiin kale iyo ururada Waxbarashada dalka ah kuwaasi oo buux dhaafiyay hoolkii ay ka dhacday soo bandhigida Buuggaan.
Buuggaan oo ka kooban 8 Cutub ayaa ka hadlaya Doorka muhiimka ee Macalimka Bulshada ku dhex leeyahay iyo waxbarashada, waxaana uu xooga ku saaray qoraaga buuga heerarkii kala duwanaa ee Waxbarashada dalka ay soo martay iyo daruufihii Macalimiinta ay ku shaqeyn jireen.
Dr Cabdinuur ayaa sheegay in faa'idada buuggaan uu yahay in Jiilka naga dambeeya ay akhrisan doonaan, sidoo kale waxa uu dhiirigelin doonaan ardayda Soomaaliyeed oo ay ka helaan xikmado qiima leh, waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaan buuga meel la iska dhigin ee la akhriyo.
Buugaan waxaa ku qoran Wasiiradii Soomaaliya ee kasoo shaqeeyay Wasaaradda Waxbarashada, sidoo kale Taariikhaha macalimiinta ee qaar kamid ah iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho.
Mas'uuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabadaan oo wasiiro, Xildhibaano iyo ururada Waxbarashada oo goobta ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Dr Cabdinuur sida uu isku xilqaamay xog uruurinta buuggaan ku jirta iyo qiimaha macalimka uu leeyahay waxa ay kasoo qeyb galayaasha ka codsadeen in buugaan loo qaato dhiirigelin sooyaalka Waxbarashada Soomaaliya sida laga dheehan karo Sawirka hore ee Buugga ku sawiran.