12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2024
Guddoomiye Madaale oo Darajooyin Dalacsiin u xiray Qaar kamid ah Saraakiisha ilaalada Degaanka Xamar
 

Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta darajooyin dalacsiin ah u xeray qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar kadib markii uu Dalacsiiyay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamud.

Taliyaha Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar Jeneraal Maxmed Cali Carabow ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dalacsiinta saraakiisha maanta dalacday ee darajada loo xiray kuwaas oo door muhiim ah ku leh hogaaminta taliska.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar ay laf dhabar u yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, Bilicda Caasimadda, ka hortaga Maandooriyaha iyo Anshax xumada, asigoona xusay in ay ka go’an tahay dhiiragelinta iyo tayeynta Ciidanka.

Gudoomiye Madaale Waxa uu ku tilmaamay Munaasabadda Dalacsiinta ah inay tahay maalin Taariikhi ah oo laiskugu hambalyeenayo dalacsiinta ciidanka ilaalada degaanka oo ah kuwii ugu tirada badnaa oo sareeya Guuto ugu sareeyo Dablana ugu hooseeyo, waxa uu tilmaamay in tani ay kutuseyso sida horumar ay u sameenayaan Ciidanka ilaalinta degaanka Xamar.

Gudoomiye Madaale ayaa sheegay inay suurta gashay in la qoray 200 Ciidan oo ilaalada Degaanka Xamar tan iyo burburkii Dowladii Dhexe waxaana uu ku tilmaamay mid guul ah maantana ay u joogaan dalacsiinta ilaa 50 askari, waxa uu askartaan ugu baaqay inay si wanaagsan shaqada u gutaan oo ay muqaalka Ciidan iyo mida shaqsiyadeedba ay muhiim tahay inay qofka ka muuqato si mas'uuliyadda askariga saaran ay u noqoto mid uu gudan karo bulshadana si wanaagsan ugu adeego.

Ciidanka ilaalada degaanka Xamar waxa ay shaqadoodu tahay ilaalinta Deegaanka sida Nadaafadda iyo sidoo kale uruurinta Canshuuraha oo ay kala shaqeeyaan Waaxda Canshuurta Dowladda Hoose ee Xamar si lamid ah la dagaalanka anshax xumida.