12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo dalka kusoo celisay dhallinyaro tahriibayaal ah oo ku xirnaa Suudaan
 

Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay dhallinyaro tahriibtay oo laga soo badbaadiyay xabsiyada dalka Suudaan.

Dhalinyaradan ayaa muddo saddex bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif ee dalka Suudaan.

Dhalinyaradan, oo tiradoodu tahay 22 (17 wiilal ah iyo 5 gabdhood), ayaa lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay si tahriib ah uga gudbaan xuduudaha dalka Suudaan.

"Dadaal ay dowladdu sameysay ayay ku timid idinkoo nabad qaba inaad dalka kusoo noqotaan," ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sii deyntooda ayaa suurtagal noqotay kadib dadaal wadajir ah oo ay bixiyeen Hay’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM) iyo xafiiskeeda Portsudan oo kaashanaya hay’adaha amniga ee Suudaan.

Waxaa weli xabsiyada dalkaas ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah oo baaritaanno lagu wado, kuwaas oo la filayo in dhowaan la sii daayo si ay ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Axmed Suudaani ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ay sii wadi doonto dadaallada lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xaaladaha adag.

Wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee fududeeyey sii deynta dhalinyarada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga noocan oo kale ah.