Sabti, December 21, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka Golaha Wasiirada Difaaca iyo Amniga ee Bariga Afrika (EASF) oo ay kala wareegtay Dowladda Rwanda.
Tallaabadan ayay dowladdu sheegtay inay ka dhigan tahay marxalad taariikhi ah, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay qabato golahaas, tan iyo markii la aasaasay ururkan 20 sano ka hor.
Xafladda xil-wareejinta ayaa dhacday intii lagu guda jiray shir sannadeedka 33-aad ee siyaasadda dejinta ee madaxda EASF, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka hoggaaminta kala wareegay dhiggiisa dalka Rwanda Juvenal Marizamunda.
EASF waa urur goboleed u xilsaaran horumarinta nabadda iyo amniga Bariga Afrika. Waa mid ka mid ah shanta ciidan goboleed ee Ciidanka Amniga iyo Difaaca Afrika (ASF), oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo guddoomiyaha xilka wareejinaya, waxa uuna xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wadashaqeyn la yeelato dhammaan dowladaha xubnaha ka ah EASF.
Waxa uu sidoo kale u fidiyay Soomaaliya casuumaad ay ku martigelineyso fadhiga soo socda ee golaha.