12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh "56-sano kadib waxaa inaga go'an inaan xukunka dib ugu soo celino gacanta Shacabka Soomaaliyeed"
 

Sabti, December 21, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusaayay 81 sano guuuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Booliiska Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay arrimo badan oo la xariira xaalada guud ee dalka.

Madaxweynahe Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu dheeraaday ka hadalka doorashooyinka, amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, waxuuna xusay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana taasi lagu gaari karo in la xaqiijiyo sugista amniga ee dalka.

“Doorashadeenu waxay si sax ah u dhaceysaa marka amnigeenu sugan yahay, waxaan rabnaa in Booliiska usii diyaargaroobo, waa inaan kala shaqeynaa adkeynta amniga oo ku gacansiinnaa, gacan doorasho Alayaan ku galeynaa, gacanta kalena Argagixisada Ayaa isaga dhicineynaa, waxaan rabnaa in Booliiska u sii diyaargaroobo, ma hakineyo mana ka mashquuleyno dagaalka aan kula jirno Argagixisada" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha iney diyaarsan yihiin guddigii ka shaqeyn lahaa shuruucdii loogu talagalay in lagu hago arrimaha doorashooyinka ayna ka go'an tahay dowladdiisa in awooda dalka dib loogu celiyo dadka Soomaaliyeed.

"Umadda waxaan ka balan qaadnay inuusan xukumin qof aysan dooran, waxaa laga yaabaa rag iyo haween ka tirsan Booliskiina inay naftooda ku waayaan hirgelinta dhanka amniga ee doorashooyinka ee ha u diyaar garoobaan, 56-sano kadib waxaa inaga go'an inaan xukunka dib ugu soo celino gacanta muwaadiniinta Soomaaliyeed" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay inuusan marnaba aqbali doonin in arrimaha Soomaaliya dibadda loo qaado, dalkuna uu leeyahay dowlad jirta.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo madaxda maamulada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ay horay uga soo horjeesteen in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.