Sabti, December 21, 2024 (HOL) - Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa galabta guul muhiim aheyd ka gaaray dhigooda dalka Suudaan oo ay wada ciyaareen kulan ka mid ahaa tartanka isreeb reebka AFCON U17 ee dalalka bariga iyo bartamaha Afrika.
17 jirada Soomaaliya ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka qaranka 17 jirada dalka Suudaan, iyadoo ciyaaryahanada Qaranka Soomaaliya ay soo bandhigeen galabta Ciyaar aad u xiiso badneyd.
Guushaan ay gaareen 17 jirada ayaa ka dhigan in Xulka Soomaaliya uu si rasmi ah ugu gudbay wareegga afar dhammadka tartankaan dalalka bariga iyo bartamaha Afrika.
Kulanka galabta waxaa u soo daawasho tagay boqolaal ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaaasi Uganda oo guusha kadib halkaas dabaal degyo waa weyn ka sameeyay.
Sanadkii 2022-ka ayay aheyd markii 17 jirada Qaranka Soomaaliya ay ku guuleysteen koobkaan dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee loo soo gaabiyo CECAF, xiligaas oo ay Xulka Qaranka Soomaaliya 3-1 kaga adkaadeen Koonfurta Suudaan.
Ugu dambeyntii 17 jirada Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan laga qabaa in markale sanadkaan natiijo wanaagsan ka keenaan tartankaan xiisaha badan oo ay haatan ka joogaan Semefinalka ama afar dhamaadka tartanka.