12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2024
Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida oo ka hadashay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Dacawaley
 

Sabti, December 21, 2024 (HOL) - Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa markii u horreysay ka hadashay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee Dowlad Degaanka Soomaalida, dagaalkaas oo u dhaxeeyay dablay hubaysan iyo Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida.

Dowladdu waxay sheegtay in dagaalkan u dhaxeeyay iyaga iyo dablayda hubaysan uu ku billowday kaddib markii dablaydu ay galinkii dambe ee Khamiistii aynu soo dhaafnay soo weerartay qaar kamid ah Masuuliyiinta degaanka iyo xubno Boolis ah oo degaanka Dacawaley u joogay howlo xaliin khilaafaad halkaas ka jiray, weerarkaas oo uu ku dhaawacmay hal Askari, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida.

Maalintii xigtay oo ahayd shalay subaxdii ayay Dowladdu sheegtay in mar kale ay dablay hubaysan weerar kusoo qaadeen Ciidankii Booliska ahaa ee ku sugnaa degaanka Dacawaley iyo Ilaaladii Masuuliyiintii goobtaas ku sugnaa, waxayna Dowladdu sheegtay in weerarkan dambe lagu dilay qaar kamid ah Ciidankii goobtaas ku sugnaa, sidoo kalena lagu dhaawacay qaar kamid ah Masuuliyiintii halkaas joogtay.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa baaq nabadeed waxay u dirtay shacabka degaannada ay colaaddu ka dhacday gaar ahaan degaanka Dacawaley, iyagoo ugu baaqay in Nabadda laga shaqeeyo loona hoggaansamo Ciidamada degaanka Soomaalida ee sugaya amniga guud ahaan Degaanka Soomaalida.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa jirtay in meel u dhaxaysa Dacawaley iyo Duudbaydaale oo ka tirsan Dowlad Degaanka Soomaalida ay dablay hubaysan oo aan haybtooda lagaranayn ku dileen Madaxii Amniga ee degmaa Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, halkaas oo ay Dowladdu maalmihii lasoo dhaafay u dirtay Masuuliyiinta degaannadaas si loo xaliyo dhibkii halkaas ka dhacay.

Balse galinkii dambe ee Khamiistii aynu soo dhaafnay ayay dablay hubaysan weerar ku qaadeen Masuuliyiintii usocotay xalintii dhibkaa horey uga dhacay degaankaas, halkaas oo lagu dilay qaar kamid ah Askartii la socotay Masuuliyiintaas kuwa kalena lagu dhaawacay, Sida lagu sheegay War ka soo baxay Xafiiska Nabadgalyada ee Dowlad Degaanka Soomaalida.