9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2024
Taliye Dayax Cabdi "Sheydhaan Cali Dheeroow hadaad Janno rabto kaalay gaariga ugu horeeyo soo qaado ee is qarxi"
 

Arbaco, Agoosto, 28, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa si adag uga jawaabay hanjabaadii dhawaan kasoo yeertay Cali Maxamud Raagge Cali Dheere oo ka mid ah horjoogayaasha kooxda Al-shabaab.

Jenaraal Dayax ayaa sheegay in Cali Dheere iyo kuwa la midka ah ee horjoogayaasha u ah kooxda Al-shabaab in shaqadoodu tahay dhibaateynta shacabka, islamarkaan haatan ay fahmeen dadka Soomaaliyeed.

"Sheydhaan Cali Dheeroow dadka Soomaaliyeed way fahmeen dhagartiina, hadii aad Janno raadis tahay bal adiga qarax isku soo xir oo soo kaxeey gaariga ugu horeeya aan aragne, dadka Soomaaliyeed way idin fahmeen oo waxay garab taagan yihiin dowladdooda" ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Dayax Cabdi Cabdulle.

Taliye Dayax ayaa sidoo kale sheegay in Cali Dheere caruurtiisa ay ku maqan yihiin dibadda ayna waxbartaan, taas badal keedana uu maalin walbo soo qaldo caruur kale uu qaraxyo kusoo xiro.

Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalameysa kooxda Al-shabaab iney haystaan fursad muhiim ah oo ay isugu soo dhiibi karaan dowladda, islamarkaana ay heli doonaan waxbarasho iyo daryeel Caafimaad oo dowladda diyaar ula tahay.