9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya weerar qaraxyo loo adeegsaday oo ka dhacay Baydhabo
 

Arbaco, Agoosto, 28, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro loo adeegaaday qaraxyo bambaanoyin ah oo Xalay kooxda Al-shabaab ka geysatay xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Bambaabooyinka oo ahaa nooca gacanta laga tuuro ayaa kooxda Al-shabaab ay ku weerartay guryo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarada bambooyinka ah ayaa la sheegay iney dhaceen xili ay guryahooda ka maqnayeen saraakiisha daganeyd, hayeeshee waxaa lasoo wariyay in waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxyada xubno ka mid ah qoysaska saraakiisha la weeraray guryahooda iyo qaar ka mid ah ilaaladooda, mana lasoo sheegin wax dhimasho.

Kooxda Al-shabaab oo masuuliyada weerarkan sheegatay ayaa warbaahintooda ku baahisay in bartilmaameedka weerarka uu u dhacay sidii ay qorsheysay, islamarkaana ay khasaare ku gaarsiisay ilaalada saraakiisha sar sare ee guryahooda la weeraray.

Ugu dambeyntii ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka Koonfur Galbeed oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarada bambaanooyinka ah ee Xalay lagu weeraray guryaha ay dagan yihiin Saraakiisha ka tirsan maamulkaas.