9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2024
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in markabka Shidaal baarista ee Turkiga uu dalka imaanayo bisha September
 

Arbaco, Agoosto, 28, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday horumarro la taaban karo oo laga gaaray dadaallada ku aaddan ka faa’ideysiga keydka shidaalka qaranka, kaddib heshiis istiraatiji ah oo ay la gashay Turkiga.

Dr. Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, ayaa daboolka ka qaaday in markab laga leeyahay dalka Turkiga lagu wado inuu yimaado bisha September, si uu u sameeyo sahamintii ugu dambeysay ee goobaha laga qodayo shidaalka.

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ku nuux-nuux saday in bilowga rasmiga ah ee qodista shidaalka lagu wado in la gaaro horraanta sannadka 2025-ka, taasoo sida uu sheegay calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku dhuftay ka mid ahaanshiyaha Soomaaliya ee hay'adda tamarta adduunka ee loosoo gaabiyo IAEA, kaas oo la filayo sida uu sheegay inay dalka ka soo saarto faa’iidooyin la taaban karo.

Wasiirka Batroolka iyo macdanta wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta qaybteeda tamarta iyo ka faa’iidaysiga iskaashiga caalamiga ah ee kobaca dhaqaalaha.