9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2024
Dowladda Fedaraalka oo ka hadashay Xiisad Colaadeed oo ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag
 

Arbaco, Agoosto, 28, 2024 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed kasoo saartay xiisad colaadeed oo ka taagan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in nasiib daro tahay khasaaraha ka dhashay dagaal shalay halkaas ka dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wasaaradda ay si dhow uga warqabto xaaladda halkaas ka taagan, waxaana maamulka, duubabka dhaqanka, Siyaasiyiinta, Culumaa'udiinka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan loogu baaqay iney u istaagaan xal u helista xiisada taagan.

Xiisadaan oo ah mid u dhaxeysa dad wada daga gobolka Sanaag ayaa ka taagan magaalada Ceerigaabo iyo deegaanada ku dhadhaw oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen dilal loo geestay ganacsato iyo dad kale oo loo dilay qaab qabiil, taasoo laga cabsi qabo in markale ay dib u cusbooneysiiso dagaaladii kharaara ee Somaliland iyo SSC Khaatumo dhexmaray sanadkii lasoo dhaafay.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya:-