9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2024
Xildhibaanno ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh inuu wado abaabulo lagu qeybinayo Puntland
 

Axad, Agoosto, 11, 2024 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaannada beesha Warsangali  ee kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu magaalada Muqdisho ka wado abaabulo lagu kala qeybiyo midnimada dadka reer Puntland.

Xildhibaanadan oo ku hadlayay afka degaanada Maakhir ayaa sheegay tallaabooyinka uu madaxweynuhu wado sida ay sheegeen in ay yihiin kuwo laga xumaado oo ceeb ku ah madaxweynaha.

“Adigoo maanta shan iyo todobaatan jir ah, labo jeer madaxweyne soo  maray, inaad dal nabad ah iyo dad nabad ah kala qeybiso. Annaga hadda gobol ahaan lix xildhibaan baanu kasoo jeednaa, lixdayadii baad kala qeybisay. Salaanta iskama qaadno. Kaddaa ummadda kala qeybinta,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Waxay sheeegeen Puntland, si kaste oo la iskugu dayo in loo kala qeybiyo in aanay marnaba waxyeelo u geysan doonin. Waxay sheegeen reer Maakhir haddii ay maamul dhisanayaan ama tashanayaan in ay leeyihiin deegaano nabad ah oo ay ku qabsan karaan shirar ay aayahooda uga tashanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka xildhibaanadan ayaa imaanaya maalmo kaddib markii Muqdisho lagusoo gabagabeeyay shir ay lahaayeen siyaasiyiin, xildhibaano, waxgarad, haween iyo dhallinyaro  matalaysay beesha Warsangali, kuwaas oo sheegay inay doonayaan inay aayahooda ka tashadaan, dhistaanna maamul ay iyagu ku midaysan yihiin.