9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2024
Puntland oo qabatay mid kamid ah Shabaabkii ka baxsaday xabsi kuyaala Gaalkacyo

Axad, Agoosto, 11, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo dhawaan ka fakaday xabsi kuyaala Galkacyo.

Barkhad ayaa ku xukumnaa dil toogasho, waxaana u harsanayd in xukunkaas lagu fuliyo.

Ciidanka booliisku waxay sheegeen inuu katirsanaa shabakad Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay dad badan oo haldoor ah.

Taliska ciidanka Booliiska Puntland ayaa dul dhigay soo qabashada maxaabiista fakatay lacag dhan $20,000 oo la siinayo qofkii soo sheega meesha ay ku sugan yihiin. Booliisku ma sheegin in abaal marin ay ku bixiyeen soo qabashada Barkhad Cawil Xirsi.

Booliisku waxay haatan raadinayaan saddex xukumane oo ahaa ragga baxsaday, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cabdiqani saleeban jaamac (Sayloor), Cabdullaahi u faysal Xuseen (Abuujonge) iyo Cabdiraxmaan Cawil maxamed (Siigayste).

Saddex sano ayay xirnaayeen Shabaabka baxsaday. Dadka shacabka ah ayaa shaki ka muujiyay sababta waqti intaas le’eg ay xabsiyada ugu jireen iyagoo dil lagu xukumay, islamarkaasna maray heerarkii kala duwan ee maxkamayntooda.