9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2024
Nin Soomaali ah oo magangalyo doono oo loo xiray inuu kufsaday gabar 14 jir ah
 

Axad, Agoosto, 11, 2024 (HOL) - Nin magangelyo-doon ah oo  Soomaali ah ayaa loo xiray inuu ku kufsaday gabar 14-jir ah gudaha dalka Austria toddobaadkan, sida ay wararku sheegayaan.

Gabadha yar ayaa looga shakisan yahay inuu kufsaduhu ku xiray goob tareenada laga raaco, sida ay ku warameyso warbaahinta Express.

Gabadha ayaa hooyadeed u sheegtay kufsiga loo geystay, waxaana islamarkiiba lagu wargaliyay booliska.

Baarayaasha ayaa sheegaya in Eedeysanaha oo 17 jir ah  ay qabteen Kaamirooyinka wax duuba, balse aysan u suurtagelin in ay aqoonsadaan ama ay helaan in muddo ah.

Si kastaba ha ahaatee, Arbacadii, qof Soomaali ah ayaa loo xiray xatooyo taleefoonka gacanta oo uu ka dhacay Korneuburg, waxaana Booliiska ay ogaadeen inuu leeyahay tilmaamaha tuhmanaha kufsiga geystay.

Waxaa uu diiday inuu qirto falka lagu eedeeyay markii maxkamada la horkeenay, waxaana haatan lagu hayaa xarunta garsoorka ee Korneuburg.