9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2024
Dab xoogan oo ka kacay Suuq weyn oo ku yaala magaalada Jowhar
 

Axad, Agoosto, 11, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu dab xoogan saakay ka kacay Suuqa weyn ee magaaladaas.

Dabkaan ka kacay Suuqa weyn oo ku yaala xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ayaa lasoo warinaya inuu kusii faafayo qeybaha kala duwan ee ganacsiyada halkaas ku yaala.

Dadweyne aad u farabadan ayaa oo isugu jira dadkii lahaa goobaha dabku qabsaday iyo kuwa kale oo wax ka daminaya dabka ayaa ku howlan la tacaalista sidii ay u damin lahayeen dabkaan oo ah mid aad u xoogan.

Suuqaan gubanaya ayaa ah Suuqa ganacsi ee ugu weyn magaalada Jowhar, waxaana dabka uu durba baaba'shay goobo ganacsi oo badan, hayeeshee wali si rasmi ah looma ogaan karo inta uu dhan yahay khasaaraha.

Dabkaan saakay ka kacay Suuqa Jowhar ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan Suuqyada Soomaaliyeed sidaan oo kale ay u gubteen, lamana oga waxa uu ka dhashay dabkaan ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jowhar.

Lasoco wixii kusoo kordha Warkan.