7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2023
Howlgalo lagu dilay 25 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug

Arbaco, September, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya ayaa maanta howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab kula wareegay deegaanada Gaadday iyo Shabeelow oo hoostaga magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgaladaasi maanta ku dilay 25 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanadaas, sida lagu shaaciyay war kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda oo lagu baahiyay warbaahinta Qaranka in ciidamada ay howlgalada ku burburiyeen gaadiid iyo gabaadyo ay kooxdu ku laheyd deegaanada Gaadday iyo Shabeelow oo dhaca bariga magaalada Camaara.

Ciidamada huwanta ah ayaa sidoo kale la sheegay in deegaannada Kuridhi iyo Qorileey oo iyagana dhaca Galbeedka magaaalada Camaara iney ka sameeyeen howlgalo lagu baacsanaayo kooxda Shabaab.

Deegaanada gobolka Mudug waxaa maalmahii ugu dambeeyay si xowli ah uga socday howlgalada ka dhanka kooxda Shabaab, waxaana xusid mudan in howlgaladaasi ciidamada iskaashanaya ay ka gaareen guulo la taaban karo, kadib markii Al-shabaab ay kala wareegeen deegaano badan oo muhiim u ahaa kooxda.