7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2023
Faysal Cali Waraabe: Dagaalka Laascaanood waxa uu ku fadhiya sidii loo fashilin lahaa Xasan Sheekh
 

Arbaco, September, 20, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa dagaalka Laascaanood ku tilmaamay mid la doonayo in Somaliland lagu burburiyo, laguna fashiliyo madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka Somaliland lagaga soo horjeedaa aanu ku koobnayn mid lagaga soo horjeedo maamulka Muuse Biixi, lakiin uu yahay mid Somaliland xididada loogu siibayo.

"Waxaan u sheegayaa shacabka Somaliland arrintan socotaa maaha arrin ku kooban maamulka Muuse Biixi oo laga cabanayo, waa arrin qotodheer oo la doonayo in xididada la inoo jaro, oo dhiigeena lagu tartamo waana hadhaagii Maxamed Siyaad Barre" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in ay difaacayaan Laascaanood iyo Buuhoodle, isla markaana uu ciidanka Somaliland tagayo Yoocada, isaga oo sheegay in dagaalka sidookale looga gol leeyahay in lagu fashiliyo dadaalada uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu jiro la dagaalanka Al Shabaab.

"Maanta oo aanu dalkayagii haysano haku fikirina in Laascaanood noqoto god laga baabiiyo dowladaha Somaliland iyo Soomaaliya, dagaalka Laascaanood waxa uu ku fadhiyaa sidii loo fashilin lahaa Xasan Sheekh, waxa la doonaya dadaalkaa uu ku jiro ee uu la dagaalamayo xagjirka in la fashiliyo" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu ku hambalyeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu tuuto xidho oo uu hoggaamiyo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al Shabaab, waxa uuna sheegay in dadka Laascaanood ka dagaalamaya ay rabaan in ay soo celiyaan nidaamkii kacaanka.

Waxa uu sheegay in Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya oo kali ahi jirayaan, isla markaana ay yihiin kuwa kali ah ee haysta xuduudo sharci ah, oo uu gumaystihii ka tagay.