7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2023
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Arbaco, September, 20, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudiga Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naa’if.

Kulanka dhexmaray laba wasiir ayaa ahaa mid looga hadlay sidii labada dowladood ay u sii xoojin lahayeen xiriirta soo jireynka ah ee mudada dheer ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii labada dowladood isaga kaashan lahayeen arrinaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudiga Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naa’if ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Sacuudiga ay si buuxda ugu garab istaageyso dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Kulanka kadib wasiirka wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Sayniska iyo amniga ee Naa’if, xarunta la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo goobo kale oo ku yaala dalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe taageero is daba joog ah oo ku aadan dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab ka heleysay dalal badan oo ka mid ah kuwa dunida, gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.