7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2023
Dowladda Soomaaliya oo daahfurtay mashruuc lagu taageerayo xasilinta goobaha laga xoreeyay Alshabaab
 

Arbaco, September, 20, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka jawaabidda xasaradaha deg-degga ah iyo baahiyaha maal-gelineed ee xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ah, kaas oo qayb ka ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna ku simaha raysal wasaaraha ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadku u gaaraan xasillooni buuxda.

Saalax ayaa intaas ku daray in Alshabaab ay caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumaddu dhinac waddo dagaalka Alshabaab barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey Alshabaab  iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxa.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka si loo gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay.