7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2023
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee Ururka G77+China
 

Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee ururka G77+China oo mudo laba maalmood ah ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

Shirkaan heerka Caalami ah ayaa ahaa mid ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal abuurka iyo Tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka.

Ururkaan G77 ayaa bilawgiisii hore lagu aasaasay 77 dal oo ay Soomaaliya ku jirtay tan iyo 15 Juun 1964 oo hadda kasoo wareegatay 60 sano, waxaana hada xubno ka ah 134 dal oo ay ku nool yihiin 80% dadka adduunka oo dhan.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa khudbadiisa shirka kaga hadlay horumarka baaxadda leh oo ay dowlada Soomaaliya ka gaartay dhinaca Isgaarsiinta, lacagaha danabaysan iyo adeegyada bangiyada ee teleefanada laga isticmaalo, isagoona sheegay in Soomaaliya ay ka mid yahay kuwa ugu hormarsan dunida.

“Ujeeddada shirarkan ayaa ahaa adkaynta iskaashiga iyo xiriirka waddamada aan saaxiibada dhow nahay iyo kuwa aynu xubnaha ka wada nahay ururrada caalamiga ah ee aynu had iyo goor iska kaashanno qaddiyadaha caalamiga ah, Dawladdeennu waxay marwalba mudnaanta kowaad siisaa in ay bulshada caalamka kula dhaqanto siyaasad xasiloon oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is qaddarin" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse.

Wasiir Abshir ayaa sidoo kale magaalada Havana ee dalkaasi Cuba kulamo gaar gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb gashay shirkaan iyo kuwa dowladda martida loo yahay ee dalka Cuba.