7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka golaha loo dhan yahay ee Qaraamda Midoobay

Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan shirka QM.

Afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raysal wasaaruhu uu shirka golaha QM horgayn doono isbeddelada Soomaaliya ku sameysay dhimista farqiga, kobaca dhaqaalaha iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Afhayeenka wuxuu sheegay, raysal wasaaruhu in Qaramada Midoobay ka codsandoono in Soomaaliya laga taageero dib u dhiska ciidameeda qalabka sida, iyo in laga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran, taasoo uu sheegay inay Soomaaliya ka caawinayso in amnigeeda uu hagaago.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay qeyb ka qaadanayso isbeddel iyo dib u habayn lagu sameynayo hay’adaha adduunka sida Qaramada Midoobay.

Shirka golaha Qaramada Midoobay oo dhawaan loosoo gudbiyay qiimaynta wajiga labaad ee bixitaan ATMIS, ayaa lagu wadaa in golaha ammaanku uu qaraar kasoo saaro bixitaanka wajiga labaad ee ATMIS.