7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2023
Shirka Hannaanka dib u eegista 6-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo Maanta Nairobi ka furmay

Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka deyn cafinta Soomaaliya oo maraya dib u eegistiisii 6-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee hannaanka IMF ee loo yaqaano (ECF).

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa si rasmi ah u furay shirkaan, waxaana sidoo kale qeyb ka ah shirka hay'addo ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Xafiisyada madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoog ahaa oo ka qeyb galaya madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka xafiisyadooda Soomaaliya u qaabilsan, wuxuuna socon doona shirkaan mudo laba todobaad ah sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

"Shirkaan waxaa xoogga lagu saari doona dib-u-milicsiga horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka samaysay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, fursadaha dhaqaale ee mustaqbalka dhaw, caqabadaha jira iyo heerka uu marayo dadaalada ee Deyn Cafinta Soomaaliya ee gabagabada ku dhaw" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya.

Shirkaan oo la sheegay inuu yahay kan ugu dambeeya ee Barnaamijka loo yaqaan (ECF) oo ah hannaanka dib u habeynta Maaliyadda dalka ayaa la filayaa iney kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo Soomaaliya u horseedi karta barta kama dambeysta ah ee la filayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkan 2023-ka.

Dowladda Fedaraalka ayaa mudooyinkii dambe dadaal dheeraad ah ugu jirtay sidii ay u gaari laheyd dey cafin dhameystiran.