7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2023
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin rasmi ah kasoo saartay howlgallada ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle
 

Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Maxamed Aweys ayaa faahfaahin ka bixiyay howgallada dalka ka socda ee Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wasiirka warfaafinta oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay, in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada degaanka iyo kuwa Galmudug ay khasaare baaxad leh gaarsiiyeen Alshabaab.

Wasiirku wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay in gacanta Dowladda ay soo galeen degaanada kala ah, Bacaadweyne, Camaara, Qodqod, Sardo, Shabeelow, Huldoonyaale, Galxare, Qeycad iyo Xinlabi oo kawada tirsan gobolka Mudug.

Daa’uud Aways wuxuu sheegay in ka badan 30 Shabaab ah in lagu dilay howlgalladii shalay ka dhacay degaanada Koonfurta gobolka Mudug, isagoo tilmaamay in Shabaabka loogu daatay saldhigyo ay ku sugnaayeen.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay howlgal kale oo ka dhacay degaanada Awbaale iyo Ciidciid oo katirsan degmada Mahadaay in lagu bartilmaameesaday 200 oo Shabaab ah oo doonayay inay si qarsoodi ah u abaabulaan weeraro lagu waxyeeleeyo shacabka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Shabaabka lagu bartilmaaeedsaday godad ay ku dhuumanayeen, halkaas oo uu sheegay in lagu gumaaday oo ay maydoodkoodu daadsan yihiin.

Wuxuu sheegay dowladdu inay war faahfaahsan ay kasoo saaridoonto howlgalkaas.