7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2023
Golaha wasiirrada Soomaaliya oo caawa meel mariyay miisaaniyadda dowladda ee 2024

Sabti, October, 28, 2023 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn, ayaa ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee 2024, oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)

Sida lagu sheegay war kasoo baxay shirka golaha wasiirrada, miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%.

Dowladdu waxay sheegtay inay ahmiyadda saareyso wax ka qabashada amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in miisaaniyaddu ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalku jiro.

Xamse wuxu sheegay marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkan, in ay sii kordhi doonto miisaaniyaddu, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkii hore, miisaaniyaddii uu baarlamaanku meel mariyay ayaa ahayd $973,985,805. Dowladdu xilligaas waxay sheegtay in miisaaniyadda loo kordhiyay xarumaha danta guud, sida xarumaha caafimaadka dowladda, waxbarashada iyo hay’adaha amniga ee dalka.