7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2023
Beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka hortimid dhismaha golaha deegaanka Jowhar

Sabti, October, 28, 2023 (HOL) - Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shaaca ka qaaday iney iskaga baxen dhismaha Golaha deegaanka degmada Jowhar.

Kulan ka dhacay magaalada Jowhar oo ay ka qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee beesha Xawaadle ee ku nool gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa looga dhawaaqay in beeshu isaga baxday dhismaha golaha deegaanka magaalada Jowhar, kadib markii beeshu sheegtay in la siiyay xubno aysan u qalmin.

Nabadoonka guud ee beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in madaxda Hirshabeelle ay beeshu siisay laba xubnood oo uu tilmaamay ineysan mudneen iney qaadato beesha Xawaadle.

"Waan diidnay inaan qaadano labada xubnood ee gunimada ah oo Guudlaawe Xawaadle siiyay ma ahan wax Xawaadle uu mudan yahay mana qaadaneyno, anagoo ilaa 1960-kii Jowhar kasoo aheyd duq magaalo, waxaan cadeyna anigoo ah nabadoonka guud ee  beesha Xawaadle Shabeellaha dhexe in dhismaha golaha deegaan Jowhar ka socdo wax shaqo ah ku laheyn" ayuu yiri Nabadoonka guud ee Xawaadlaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxgaradka beesha Xawaadle ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Hirshabeelle ay iska indha tireen xaqa iyo saamiga beesha ku leedahay dhismaha golaha deegaanka Jowhar, islamarkaana aysan jirin sabab ay uga mid noqdaan dhismaha golaha deegaanka.