7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2023
Soomaaliya: Waxaan caddeyneynaa mowqifka adag oo aan ka taagannahay in reer Falastiin ay helaan dowlad madax bannaan
 

Sabti, October, 28, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay una codaysay qaraar qabyo ah oo kasoo baxay waddamada Carbeed, kaasoo lagu cambaaraynayey xadgudubyada ciidamada Israaiil ay ka wadaan marinka Gaza.

Qoraal kasoo baxay xafiiska howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu baaqay in gargaar bini'aadannimo la soo geliyo marinka Qaza, halkaas oo malaayiin qof oo reer Falastiin ah ay ku jiraan xaalado adag, kaddib markii Israaiil ay ka goosatay korontadii iyo isgaarsiintii.

“Waxaan cambaareyneynaa beegsiga lagu hayo dadka rayidka ah iyo barakicinta qasabka ah, waxaana caddeyneynaa mowqifka adag ee Soomaaliya ay ka taagan tahay in ay taageerto xaqa shacabka reer Falastiin ay u leeyihiin in ay helaan dowlad madax bannaan oo caasimaddeedu tahay Al-Qudus Al-Shariif,” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay howlgalka Soomaaliya ee QM.

Shalay ayay ahayd markii Soomaaliya ay qeyb ka noqotay in ka badan 100 waddan oo u codeeyay in xabbad joojin degdeg ah laga dhaqan galiyo Israaiil iyo Falastiin.

Israa'iil ayaase sii labo jibbaartay duqaymaha ay ku garaacayso magaalada Gaza, iyadoo bartilmaameedsatay goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah.